Tuesday, January 15, 2013

Soomaalida maxaa ka qaldan 2


Soomaaliya marka la eego wadan ahaan waxa marag ma doonto ah in ay yaaliin fursado aan meelo badan oo dunida ah laga helin; waxa arinkaas faahfaahin kara dadka aqoonta u leh, hase yeeshee mida aan wada naqaan xaga dhaqan dhaqaalaha waxa cad in dadkiisa marka la eego ay wadan barwaaqo ah oo ay  ka baahan yihiin ay dhex joogaan. Hadaba ma dadka soomaalida ah baa dadka kale ka karti yar? Jawaabta waa maya; waxaad ogtahay soomaalida taariikh ahaan inay leedahay taariikh wanaagsan dhinaca halgankii ay afrika gumaysiga kula jirtay ay ahaayeen kuwa tusaalaha loo soo qaato, intii dowladnimada ay heleena ay kaalin fiican oo hormuudnimo ay ku lahaayeen qaddiyadihii guud ee afrikaanka.
Soomaalidu xaga dowladnimada iyo is xukunka inta aanay fashilmin nidaamyadii kala danbeeyay oo soo maray wax badan oo wanaag ah ayay lahaayeen. Soomaaliya waa wadankii ugu horeeyay afrika ee madaxwaynihii xilka si nabad ah ku wareejiyay markii  doorasho looga guulaystay.
Waxaan u fiirsaday burburka oo tijaabooyinkii is xukunka ee dowladihii ku meelgaarka ahaa iyo kuwa maamulada gobolada qaarkood ka taaba galay ay suuro gal tahay in si nabad ah xukunka loola kala wareego ay u muuqato arin soomaalidu u bislaatay.
Soomaalida qurbaha tagtay ayaa muujiyay karti iyo horumar muuqda iyagoo guulo la taaban karo ka sameeyay wadamada ay tageen taasoo ah iyana tusaale wanaagsan.
Biya dhaca qormadan ayaa ah inaan isla garano hanaanka ay tahay inaan raacno si aan u xaddidno halka ay dhibaatada ka jirto si ay inooku fududaato inaan soo bandhigno xalka ku haboon iyadoo la yaqaan cidda masuuliyaddaas leh oo aanay u noqon wax la iska yiri.

Marka aan ka hadlayno saxid qalad waa arin guda balaaran oo meelo badan taabanaysa, waxayna tahay in la xaddido, tusaale ahaan qaladaadka taariikhiga ah saxiddoodu waa arin fog oo isbedel umadeed oo waayahiisa leh u baahan;hadaba waxa maanka u degdegaaya inaan ku koobnaano awoodda go'aan qaadashada heerarkeeda kala duwan ee qofeed,qoys iyo bulsho iyadoo mid waliba xad leedahay.
Waxaa kale oo barbar socota horumarinta qofka ee aqooneed jireed iyo nololeed maadaama uu yahay jilaha dhabta ah ee keenaya isbedelka heer kasta ha ahaadee.
Inagoo ka duulayna arimaha aan xusnay ayaa waxa lagama maarmaan ah inaan abbaarno ilaha horumarinta ee abaabulan ee qormadeeni hore aan qaar ka tilmaanay(sida goobaha waxbarashada , warbaahinta, ururada bulshada, …..).
Aan sii jilcinee qofka oo ah unuga ugu horeeya bulshada ee uu ka dhismo qoys dabadeena bulsho ilaa umad waxa uu mudan yahay tixgelin, waxa uu istaahilaa kobcin iyo horumarin, waxa uu xaq u leeyahay ilaalin xuquuqdiisa
si  loogu diyaariyo inuu qaato doorkiisa.
Soomaaliya oo mudadii burburka ahayd iyo ka horba  ay ka jireen tacadiyo dhan ka ah xuquuqda aadanaha meel ka dhacna ku ah karaamada qofka iyo jiritaankiisa ma kula tahay akhristow in la kobcin karo aragtida noocaan oo kale ah.
Al baqra nin gaaray alif buu ka bilaabay.
Waxa la is waydiin karaa: yaa qalad dhamayn kara? Jawaabtu waa uma socono inaan dhamayno, inta qof jiro qalad waa jiri, daawayntuna waa loo qaateen inay barbar socoto inagana karaankeen baan dirannahay keliya yaynaan quusan.

Soomaalida maxaa ka qaldan:


Gefka waa sifo aadanaha la soo taalay oo aan marnaba ka harin , soomaalidu waxaay tiraahdaa: " ma gefe waa Ilaah" waana arin sax ah oo aan u baahnayn in la macneeyo.

Tan u baahan in la caddeeyaa waa:
Sidee gefka looga dhigaa mid laga faaiidaysto oo dheef looga dhaliyaa?
Hadii qalad dhaco ma waxa ay tahay in la saxo, mise in looga daro?
Qofka qaldama ma uu rabnaa inuu qaladka sii wado ama lala wado; mase waxaa fiican in qalad dabadii uu noqdo mid wax hagaajiya oo qaladkiisa iyo kan dadka kaleba saxa.

Soomaalida dhaqankeeda oo aan u arko mid hodon ah una baahan daraasad qoto dheer oo aqoonyahano cilmiga bulshada ku xeeldheeri ay sameeyaan ayaa arimahaas si fiican looga helayaa:

Bal maahmaaha xagooda ila eeg waxa ay ka yiraahdaan:
Qalad qalad laguma saxo.
Caana daatay dabadoodaa la qabtaa.
Beladu haday yar tahay waa la baabi'iyaa, haday badan tahayna waa la yareeyaa.

Hadaba bulshada soomaaliyeed oo dhibaato wejiya badan lihi haysto ayaa in badan waxa laga hadlaa sidee xal loogu helaa; waxaana hubaal ah in dadaal wejiyo badan leh uu socday intii ay dhibaatada jirtay, ha ahaado mid gudaha ka socday iyo mid dibada ka socday; wax badana waa lagu guulaystay wax badanina waa dhiman yihiin;

Waxaan aad ugu kuur galay qaybaha kala duwan ee ku hawlan is bedelka nololeed, wacyi iyo aqooneed ee wadanka ka jira waxaadna akhristow ogaanaysaa baaxada dadaalkaasu le'eg yahay markaad u fiirsatid; goobaha kala duwan ee wax barshada  sida:jaamacadaha, dugsiyada wax barshada, macaahidda xirfadaha, masaajiddada iwm
Sidoo kale ilaha warbaahinta sida : idaacadaha, telefishinada,wargaysyada website-yada iwm,

Waxa aad u badan maktabadaha oo laga helo buugaag  qaybaha kala gedisan ee aqoonta ka hadlaya oo ku soo badanaya magaalooyinka.
Xaga dhaqanka waxa jira hab dhaqan wanaagsan oo dhinacyo kala gedisan leh sida isimada oo bulshada dhexdeeda ku leh maamuus iyo sharaf aadna loo tixgeliyo;Nabadoonada samadoonada oo xeer beegtida ugu horeeya una taagan habeen iyo maalin hawl aanay badanaa dhib maahee dheef ka helin sidii nabada iyo wada noolaanshaha dadka uu u hagaagi lahaa.
Culumada oo kaalin wayn kaga jira wacyigelinta iyo hanuuninta bulshada.
Intaas iyo in ka badan oo aanan sheegin oo jirta ayaa hadana waxa muuqda dhibaato bulsho oo baahsan iyo qaladaad badan oo la caadaystay lidna ku ah horumarinta iyo hagaajinta nolosha dadka.

Hadaba qormadan oo hor dhac u ah  qormooyin xiriira oo aan todobaadyada soo socda soo  gudbin doono haduu ilaah yiraahdo  ayaa ah mid saxid iyo daawayn loola go' leeyahay una furan qof kasta oo arka dhibaato jirta iyo sida ay la tahay daawadeedu.

Qore :
Maxamed Muuse Axmed
maamuus@hotmail.com