Tuesday, January 15, 2013

Soomaalida maxaa ka qaldan 2


Soomaaliya marka la eego wadan ahaan waxa marag ma doonto ah in ay yaaliin fursado aan meelo badan oo dunida ah laga helin; waxa arinkaas faahfaahin kara dadka aqoonta u leh, hase yeeshee mida aan wada naqaan xaga dhaqan dhaqaalaha waxa cad in dadkiisa marka la eego ay wadan barwaaqo ah oo ay  ka baahan yihiin ay dhex joogaan. Hadaba ma dadka soomaalida ah baa dadka kale ka karti yar? Jawaabta waa maya; waxaad ogtahay soomaalida taariikh ahaan inay leedahay taariikh wanaagsan dhinaca halgankii ay afrika gumaysiga kula jirtay ay ahaayeen kuwa tusaalaha loo soo qaato, intii dowladnimada ay heleena ay kaalin fiican oo hormuudnimo ay ku lahaayeen qaddiyadihii guud ee afrikaanka.
Soomaalidu xaga dowladnimada iyo is xukunka inta aanay fashilmin nidaamyadii kala danbeeyay oo soo maray wax badan oo wanaag ah ayay lahaayeen. Soomaaliya waa wadankii ugu horeeyay afrika ee madaxwaynihii xilka si nabad ah ku wareejiyay markii  doorasho looga guulaystay.
Waxaan u fiirsaday burburka oo tijaabooyinkii is xukunka ee dowladihii ku meelgaarka ahaa iyo kuwa maamulada gobolada qaarkood ka taaba galay ay suuro gal tahay in si nabad ah xukunka loola kala wareego ay u muuqato arin soomaalidu u bislaatay.
Soomaalida qurbaha tagtay ayaa muujiyay karti iyo horumar muuqda iyagoo guulo la taaban karo ka sameeyay wadamada ay tageen taasoo ah iyana tusaale wanaagsan.
Biya dhaca qormadan ayaa ah inaan isla garano hanaanka ay tahay inaan raacno si aan u xaddidno halka ay dhibaatada ka jirto si ay inooku fududaato inaan soo bandhigno xalka ku haboon iyadoo la yaqaan cidda masuuliyaddaas leh oo aanay u noqon wax la iska yiri.

Marka aan ka hadlayno saxid qalad waa arin guda balaaran oo meelo badan taabanaysa, waxayna tahay in la xaddido, tusaale ahaan qaladaadka taariikhiga ah saxiddoodu waa arin fog oo isbedel umadeed oo waayahiisa leh u baahan;hadaba waxa maanka u degdegaaya inaan ku koobnaano awoodda go'aan qaadashada heerarkeeda kala duwan ee qofeed,qoys iyo bulsho iyadoo mid waliba xad leedahay.
Waxaa kale oo barbar socota horumarinta qofka ee aqooneed jireed iyo nololeed maadaama uu yahay jilaha dhabta ah ee keenaya isbedelka heer kasta ha ahaadee.
Inagoo ka duulayna arimaha aan xusnay ayaa waxa lagama maarmaan ah inaan abbaarno ilaha horumarinta ee abaabulan ee qormadeeni hore aan qaar ka tilmaanay(sida goobaha waxbarashada , warbaahinta, ururada bulshada, …..).
Aan sii jilcinee qofka oo ah unuga ugu horeeya bulshada ee uu ka dhismo qoys dabadeena bulsho ilaa umad waxa uu mudan yahay tixgelin, waxa uu istaahilaa kobcin iyo horumarin, waxa uu xaq u leeyahay ilaalin xuquuqdiisa
si  loogu diyaariyo inuu qaato doorkiisa.
Soomaaliya oo mudadii burburka ahayd iyo ka horba  ay ka jireen tacadiyo dhan ka ah xuquuqda aadanaha meel ka dhacna ku ah karaamada qofka iyo jiritaankiisa ma kula tahay akhristow in la kobcin karo aragtida noocaan oo kale ah.
Al baqra nin gaaray alif buu ka bilaabay.
Waxa la is waydiin karaa: yaa qalad dhamayn kara? Jawaabtu waa uma socono inaan dhamayno, inta qof jiro qalad waa jiri, daawayntuna waa loo qaateen inay barbar socoto inagana karaankeen baan dirannahay keliya yaynaan quusan.

No comments:

Post a Comment