Gefka waa sifo aadanaha la
soo taalay oo aan marnaba ka harin , soomaalidu waxaay tiraahdaa: " ma
gefe waa Ilaah" waana arin sax ah oo aan u baahnayn in la macneeyo.
Tan u baahan in la caddeeyaa
waa:
Sidee gefka looga dhigaa mid
laga faaiidaysto oo dheef looga dhaliyaa?
Hadii qalad dhaco ma waxa ay
tahay in la saxo, mise in looga daro?
Qofka qaldama ma uu rabnaa
inuu qaladka sii wado ama lala wado; mase waxaa fiican in qalad dabadii uu
noqdo mid wax hagaajiya oo qaladkiisa iyo kan dadka kaleba saxa.
Soomaalida dhaqankeeda oo aan
u arko mid hodon ah una baahan daraasad qoto dheer oo aqoonyahano cilmiga
bulshada ku xeeldheeri ay sameeyaan ayaa arimahaas si fiican looga helayaa:
Bal maahmaaha xagooda ila eeg
waxa ay ka yiraahdaan:
Qalad qalad laguma saxo.
Caana daatay dabadoodaa la
qabtaa.
Beladu haday yar tahay waa la
baabi'iyaa, haday badan tahayna waa la yareeyaa.
Hadaba bulshada soomaaliyeed
oo dhibaato wejiya badan lihi haysto ayaa in badan waxa laga hadlaa sidee xal
loogu helaa; waxaana hubaal ah in dadaal wejiyo badan leh uu socday intii ay
dhibaatada jirtay, ha ahaado mid gudaha ka socday iyo mid dibada ka socday; wax
badana waa lagu guulaystay wax badanina waa dhiman yihiin;
Waxaan aad ugu kuur galay
qaybaha kala duwan ee ku hawlan is bedelka nololeed, wacyi iyo aqooneed ee
wadanka ka jira waxaadna akhristow ogaanaysaa baaxada dadaalkaasu le'eg yahay
markaad u fiirsatid; goobaha kala duwan ee wax barshada sida:jaamacadaha, dugsiyada wax barshada,
macaahidda xirfadaha, masaajiddada iwm
Sidoo kale ilaha warbaahinta
sida : idaacadaha, telefishinada,wargaysyada website-yada iwm,
Waxa aad u badan maktabadaha
oo laga helo buugaag qaybaha kala
gedisan ee aqoonta ka hadlaya oo ku soo badanaya magaalooyinka.
Xaga dhaqanka waxa jira hab
dhaqan wanaagsan oo dhinacyo kala gedisan leh sida isimada oo bulshada
dhexdeeda ku leh maamuus iyo sharaf aadna loo tixgeliyo;Nabadoonada samadoonada
oo xeer beegtida ugu horeeya una taagan habeen iyo maalin hawl aanay badanaa
dhib maahee dheef ka helin sidii nabada iyo wada noolaanshaha dadka uu u
hagaagi lahaa.
Culumada oo kaalin wayn kaga
jira wacyigelinta iyo hanuuninta bulshada.
Intaas iyo in ka badan oo
aanan sheegin oo jirta ayaa hadana waxa muuqda dhibaato bulsho oo baahsan iyo
qaladaad badan oo la caadaystay lidna ku ah horumarinta iyo hagaajinta nolosha
dadka.
Hadaba qormadan oo hor dhac u
ah qormooyin xiriira oo aan todobaadyada
soo socda soo gudbin doono haduu ilaah
yiraahdo ayaa ah mid saxid iyo daawayn
loola go' leeyahay una furan qof kasta oo arka dhibaato jirta iyo sida ay la
tahay daawadeedu.
Qore :
Maxamed Muuse Axmed
maamuus@hotmail.com
No comments:
Post a Comment