Soomaaliya
marka la eego wadan ahaan waxa marag ma doonto ah in ay yaaliin fursado aan
meelo badan oo dunida ah laga helin; waxa arinkaas faahfaahin kara dadka
aqoonta u leh, hase yeeshee mida aan wada naqaan xaga dhaqan dhaqaalaha waxa
cad in dadkiisa marka la eego ay wadan barwaaqo ah oo ay ka baahan yihiin ay dhex joogaan. Hadaba ma
dadka soomaalida ah baa dadka kale ka karti yar? Jawaabta waa maya; waxaad
ogtahay soomaalida taariikh ahaan inay leedahay taariikh wanaagsan dhinaca
halgankii ay afrika gumaysiga kula jirtay ay ahaayeen kuwa tusaalaha loo soo
qaato, intii dowladnimada ay heleena ay kaalin fiican oo hormuudnimo ay ku
lahaayeen qaddiyadihii guud ee afrikaanka.
Soomaalidu
xaga dowladnimada iyo is xukunka inta aanay fashilmin nidaamyadii kala
danbeeyay oo soo maray wax badan oo wanaag ah ayay lahaayeen. Soomaaliya waa
wadankii ugu horeeyay afrika ee madaxwaynihii xilka si nabad ah ku wareejiyay
markii doorasho looga guulaystay.
Waxaan u
fiirsaday burburka oo tijaabooyinkii is xukunka ee dowladihii ku meelgaarka
ahaa iyo kuwa maamulada gobolada qaarkood ka taaba galay ay suuro gal tahay in
si nabad ah xukunka loola kala wareego ay u muuqato arin soomaalidu u
bislaatay.
Soomaalida
qurbaha tagtay ayaa muujiyay karti iyo horumar muuqda iyagoo guulo la taaban
karo ka sameeyay wadamada ay tageen taasoo ah iyana tusaale wanaagsan.
Biya dhaca
qormadan ayaa ah inaan isla garano hanaanka ay tahay inaan raacno si aan u
xaddidno halka ay dhibaatada ka jirto si ay inooku fududaato inaan soo
bandhigno xalka ku haboon iyadoo la yaqaan cidda masuuliyaddaas leh oo aanay u
noqon wax la iska yiri.
Marka aan ka hadlayno saxid qalad
waa arin guda balaaran oo meelo badan taabanaysa, waxayna tahay in la xaddido,
tusaale ahaan qaladaadka taariikhiga ah saxiddoodu waa arin fog oo isbedel
umadeed oo waayahiisa leh u baahan;hadaba waxa maanka u degdegaaya inaan ku
koobnaano awoodda go'aan qaadashada heerarkeeda kala duwan ee qofeed,qoys iyo
bulsho iyadoo mid waliba xad leedahay.
Waxaa kale oo barbar socota
horumarinta qofka ee aqooneed jireed iyo nololeed maadaama uu yahay jilaha
dhabta ah ee keenaya isbedelka heer kasta ha ahaadee.
Inagoo ka duulayna arimaha aan
xusnay ayaa waxa lagama maarmaan ah inaan abbaarno ilaha horumarinta ee
abaabulan ee qormadeeni hore aan qaar ka tilmaanay(sida goobaha waxbarashada ,
warbaahinta, ururada bulshada, …..).
Aan sii jilcinee qofka oo ah unuga
ugu horeeya bulshada ee uu ka dhismo qoys dabadeena bulsho ilaa umad waxa uu
mudan yahay tixgelin, waxa uu istaahilaa kobcin iyo horumarin, waxa uu xaq u
leeyahay ilaalin xuquuqdiisa
si loogu diyaariyo inuu qaato doorkiisa.
Soomaaliya oo mudadii burburka ahayd
iyo ka horba ay ka jireen tacadiyo dhan
ka ah xuquuqda aadanaha meel ka dhacna ku ah karaamada qofka iyo jiritaankiisa ma
kula tahay akhristow in la kobcin karo aragtida noocaan oo kale ah.
Al baqra nin gaaray alif buu
ka bilaabay.
Waxa la is waydiin karaa: yaa qalad
dhamayn kara? Jawaabtu waa uma socono inaan dhamayno, inta qof jiro qalad waa
jiri, daawayntuna waa loo qaateen inay barbar socoto inagana karaankeen baan dirannahay
keliya yaynaan quusan.